Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa soo saartay Amar Cusub oo lagu mamnuucayo Tubaako halis ah ku ah Caafimaadka Bulshada oo la sheegay in geliyay gudaha Magaalada Hargeysa iyo deegaano kale oo ka tirsan maamulkaas.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad ayaa waxaa lagu sheegay in Tukaabada LYFT gebi ahaan aan laga soo gelin karin Hargeysa iyo guud ahaan deegaanada maamulka, isla markaana aan laga ganacsan karin.
Sidoo kale Qoraalka Wasiir Maxamuud Sacad ayaa waxaa lagu sheegay in Tukaabadii LYFT ee horey loo geliyay Somaliland si rasmi ah loola wareegi doono, maadaama Tukabadaas ay halis Caafimaad ku tahay Bulshada.
Hay’addaha ammaanka Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ayaa waxaa la faray inay kormeer iyo dabagal ku sameeyaan Arrinta Tubaakada, iyadoo la xusay in cidii lagu arkayo iyada oo ganacsaneysa laga qaadi tallabo sharciga waafaqsan.
Si kastaba Tukaabada LYFT ayaa waxaa qeylo dhaan ka muujiyay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan deegaanada Somaliland iyo Golaha Guurtida maamulkaas, iyagoo sheegay in arrintaas ay halis ah ku tahay Caafimaadka Bulshada.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasiir Maxamuud Xasan Sacad.