Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay Warbixin ku saabsan Shaxda Kala horreynta ee dalalka Afrika ee fuliya xukunnadda dilalka.
Warbixin ay Hay’adda ka soo saartay Xarunteeda Dhexe oo ku taalla magaalladda London ayaa loogu magac daray Xukunnadda Dilalka ee Afrika (The Death Penalty in Africa).
Warbixinta waxaa lagu xusay in dalalka Somalia, Masar, Sudan iyo Equatorial Guinea yihiin waddamada sida xooggan sannadkii hore looga fuliyey xukunnadda dilalka.
Warbixinta ayaa lagu xusay in ay dalka Sudan lagu dilay 23-qof, halka Somalia lagu dilay 14 qof.
Wadadnka Masar waxaa sannadkii hore xukun dil ah lagu fuliyey 15-qof, iyadoo dalka Equatorial Guinea lagu dilay 9 qof.
Hay’adda Amnesty International waxay diiwaangelisay in Qaaradda Afrika sannadkii hore xukunno dil ah lagu fuliyey dad ay tiradoodu dhan tahay 1,446 qof.
Dhinaca kale, Hay’adda waxay soo bandhigtay tiradda dalalka ugu badan ee sannadkii hore xukunnadda dilka laga fuliyey, waxayna u kala horreeyaan sidatan:-
- Nigeria ayaa ugu sarreysa waxayna fulisay 659 dil.
- Masar 509 dil ah.
- Tanzania 91 dil
- Somalia 52 dil ah.
- Kenya 23 dil ah
- Algeria 16 dil ah
- Sudan 14 dil ah
- Zambia 13 dil ah
- Zimbabwe 10 dil ah
- Morocco 9 dil ah
- Sierra Leone 3 dil ah.
Waddanka Uganda ayaa lagu ammaanay Wrabixinta, iyadoo aan dialkaasi wax xukun dil ah la fulinin tan iyo sannadkii 199-kii.