Somalia iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya xasillinta deegaanada la xoreeyay

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta Safaaradda ku booqday Safiirka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Muqdisho Axmed Bin Maxamed Almowlid.

Inta uu fadhigani socday waxaa laga wada hadalay sida labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen howlaha Wasaaradda, gaar ahaan Xasillinta deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab iyo dib u heshiisiinta.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay boqortooyada Sacuudiga taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhanka dowlad iyo dal dhiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply