Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray mashariic gaarsiinta Gobolka Gedo

Madaxweynaha dowlad Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay howlgalada dalka lagu xoraynayo, dardar galinta mashaariicda socda iyo qodobo kale.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo xooga dalka. Ciidamada Jubaland ayaa maanta la wareegay Degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose iyadoo halkaas khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay dardar galinta mashariicda Maamulka ee hada socda sidii qiimayn buuxda loogu samayn lahaa, isla markana loo hubin lahaa gaba gabada inay u fuleen sidii loogu tala galay iyo bilowga mashariicda cusub sidii ay u noqon lahayeen kuwo taabo gala.

Golahu waxaa kale oo uu ka hadlay sidii mashariicda kala duwan ee Dowlada loo gaarsiin lahaa gobolka Gedo, isla markana bulshada deegaanka ay u heli lahayeen adeegyada kala duwan iyo shaqada laamaha kala duwan ee Dowladu ay bulshada u hayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply