Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Kuweyt, Jenerel Maxamed Al-khadar waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia, Jeneral Daahir Aadan Cilmi oo u uwehliyey Danjiraha Somalia u jooga dalkaasi, C/llaahi Maxamed Odawaa’.
Kulankaasi waxaa looga wada xaajooday xiriirka labada Dowladood iyo sidii la isaga kaashan lahaa Hawlaha Difaaca, Taageeradda Milliteriga Somalia iyo Danaha wadajirka ee Somalia iyo Kuwayt.
Taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia, Jeneral Daahir Aadan Cilmi waa safarkii 2-aad ee uu ku tago dalkaasi, wuxuuna dhigiisa dalkaasi kala hadlay Taageeradda Kuwayt ee Dib-u-dhiska Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia iyo Tayeynta Qalabka Milliteri.
Qaabilaadaasi waxaa goobjoog ka ahaa Taliye-xigeenka Guud ee Ciiddanka Kuwayt, Jeneral C/llaahi Al-nawaaf iyo tiro Taliyayaal sarsare oo ka kala socday labada dhinac.