Somali-Norwegian-ka dilka iyo dhaawaca ka geystay London oo maanta la soo Makamadeeyey.

Zakariya Bulhan oo 19 jir ah ayaa maanta la soo taagay Maxkamadda Westminister ee magaalladda London, isagoo lagu soo oogay Weerarkii uu Tooreyda u adeegsaday  ee uu ku dilay Haweeney u dhalatay Maraykanka oo la oran jirey Darlene Horton oo 64 jir ahayd.

Waxaa kaloo lagu soo oogay inuu isku dayey inuu ku dilo Dhibanayaasha lagu kala magacaabo   Martin Hoenisch, Lillie Selletin, David Imber, Bernard Hepplewhite iyo Yovel Lewronski, kuwaasi oo dhaaantooda lagu dhaawacay  isla Weerarkaasi.

Zakariye Bulxan waxa uu maanta soo hor-joogsaday Maxkamadda isagoo xaqiijiyey Magaciisa iyo Cinwaanka Guriga uu deggan yahay.

Eedeysanaha waxaa la filayaa inuu maalinta Talaadada mar kale ka soo hor muuqdo Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London.

ZAKARIYE BULHAN1 Darlene Horton

©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media