Madaxweynayaal iyo siyaasiyiin ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Siciid Deni oomar kale loo doortay Madaxweynaha Mamaulka Puntland, kadib doorasho manta ka dhacday Caasimadda Maamulkaasi ee Garoowe.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hambayo u diray Deni, waxaana uu bogaadinayaa guddigii doorashada iyo Baarlamaanka Puntland, oo uu ku amaanaya sida hufan ee ay u guteen waajibkii ka saarnaa doorasho aan rabshadaha wadan ka dhacday Puntland.
โWaxaan hambalyo leeyahay walaalkeey H.E Said Abdullahi Deni oo maanta markale loo doortey inuu noqdo Madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota.Waxaan bogaadinayaa guddigii doorashada iyo Baarlamaanka Puntland, aniga oo ku amaanaya sida hufan ee ay u guteen waajibkii ka saarnaa doorasho aan rabshad wadan inay ka dhacdo Puntlandโ ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
sidooย kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta markale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.