Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo balan qaad u sameeyay Haweenka

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  hambalyo ku aaddan maalinta caalamiga ah ee Haweenka adduunka,  u diray haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dhismaha qaranka, daryeelka bulshada iyo badbaadin bulshada oo door wax ku ool ah ay ka qaataan, isagoo ballan qaaday in dowladdu ay xoojineyso ka qeyb galka haweenka ee siyaasadda ayna xaqiijineyso sidii ay u heli lahaayeen qoodadooda 30%.

“Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso awgeed, Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo aan uga mahadcelinayo kaalintooda nafhurnimada,kartida, hagar la’aanta iyo daacadnimada ku saleysan ee ay kaga jiraan dhismaha qaranka & dhan kasta oo nolosheenna ah”.

Eng. Rooble ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan aqbalayn tacadi lagula kaco haweenka Soomaaliyeed, una taagan tahay ilaalinta xaquuqdooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor