Garoonka Diyaaradaha ee Khartuum oo la xiri doono iyo sababta

Dhabaha ay diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan (Runway)-ga ee Garoonka Caalamiga ee ku yaalla Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa la sheegay in saacado kooban la xiri doono maalinta berrito oo Talaado ah.

Qoraal maanta ka soo baxay Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee dalkaasi ayaa  lagu sheegay inuu Garoonku xirnaan doono 8-da Arroornimo ilaa 3-da galabnimo ee Xilliga dalkaasi.

Sababaha Garoonka loo xiri doono ayaa lagu sheegay inay tahay sidii dayactir iyo dib-u-hagaajin loogu samayn lahaa Dhabaha ay Diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan.

Tallaabadaasi waxay horseedi doontaa in la hakiyo Duullimaadka Diyaaradaha ee Garoonkaasi, iyadoo Duullimaadyada Diyaaradaha dib loo furi doono wixii ka dambeeya 3-da Galabnimo ee berrito.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor