Siduu u dhacay Weerarkii Ismiiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Guriga Martida Degmada Baardheere?

Khasaare kala duwan oo isugu jira Dhimasho, dhaawac iyo burbur ayaa ka dhashay Qarax ismiidaamin ah oo saaka lagu qaaday Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan weerarkaasi.

Qaraxa oo sida la sheegay loo adeegsaday Gaari nooca Xabbaddu karin ah ayaa ahaa Ismiiidaamin, Waxaana si gaar ah loo beegsaday guriga Martida degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana khasaare uu kasoo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiil Ciidan.

Inta la xaqiijiyay Seddex Askari ayaa ku geeriyootay weerarkaasi, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray  Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga Soomaaliya, korneyl  Axmed Cabdullaahi Xirsi (Labaale),  Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Bulle Gareed iyo Wasiir hore Cabdirshiid Janan.

Sido kale waxaa gabi ahaanba burburay Guriga Martida Degmada oo la weeraray, sidoo kale goobo kale oo ka agdhawaa ayaa burbur baahsan soo gaaray.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka socday maalmahaam abaabul xooggan oo ak dhan ah dagaalamayaasha Alshabaab, waxaana la filayay in Magaalada uu ka billawdaan kulamo ammaanka looga arrinsanyo iyo howgalo.

Maamulka Gobolka, Saraakiil hore, Nabaddoonno, Taliyeyaal Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale ayaa halkaasi ku shirsanaa sida wararku sheegayaan, waxaana xogaha qaar ay tilmaamayaan in la qorsheynayay dagaallo Culus oo Alshabaab looga saarayo degaannada ay ka haystaan Gobolka Gedo, waxaana degaanadaasi ka mid ah Magaalada Bu’aale oo ka mid ah meelaha Alshabaab ku xooggan yihiin ee Gobolkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor