Waxaa Goordhow soo geba gabowday doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ay Maanta ku tartameen,21 Musharax,hayeeshee wareegii Saddexaad ee ugu dambeeyay ay isugu soo hareen laba Musharax.
Wareega Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Saciid Cabdullaahi Deni iyo Asad Cismaan Cabdillaahi.
Janeraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa helay 31 Cod
Halka Saciid Abdullahi Deni uu Cod 35
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay in Siciid Cabdullaahi Deni uu yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland 5-ta Sana ee soo socota.