Shirkaasi oo maanta ka furmay caasimadda dalkaasi ee Rome ayaa waxaa Shir guddoominaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaTalyaaniga, Luuiyo Di Maayo iyo dhigiisa dalka Maraykanka, Antoni Blinken.
Wasiiro iyo Wafuud kale oo ka kala socota in ka badan 80 Waddan ayaana ka qeyb glaya Kulankaasi oo looga hadlayo Isbahaysiga Caalamka iyo sidii Kooxda Daacish loo naafayn lahaa.
Qoraal uu RW Talyaaniga soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Kulankaasi looga xaajon doono Istaraatijiyada La-dagaanka waxa uu ugu yeeray Argagixisadda ku sugan Deegaanadda Khatarta ah, sida Syria, Iraq iyo Gobalka Saaxil ee Qaaradda Afrika.
Kulankaasi waxaa kaloo ka qeyb galaya Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Jens Stoltenberg, Madaxa EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Dibedda, Josep Borrell iyo tieo Wakiilo ka socda dalal Afrikaan ah oo Goobjoog ahaan loogu casuumay shirkaasi.