Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka, waxaana kulanka shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Maxamed Nuur Gacal.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu horgeynta Hindise-sharciyeedka Nidaaminta iyo Naqshadeynta Magaalooyinka, Maamulka dhulka iyo horumarinta dhismooyinka Galmudug oo soo saaray diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud ee Maamulkaas.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Axmed Dhiblaawe iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaraddaas ayaa hortegay Xildhibaanada Baarlamaanka, iyagoona ka dalbaday inay Hindise-sharciyeedka marsiiyaan Akhrin, kadibna ay ansixiyaan.
Hindise-sharciyeedka Nidaaminta iyo Naqshadeynta Magaalooyinka ayaa waxaa horey u soo ansixiyay Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona haatan uu hor yaallo Baarlamaanka, loogana baahan yahay inay meel-mariyaan.