Shirweynaha Maamullada Goballada iyo degmooyinka Hirshabeelle oo furmay

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.

Shirka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee Maamulka, Guddoomiyayaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, hoggaanka degmooyinka Hirshabeelle.

4-cisho ayuu socon doonaa shirweynaha waxaana diirada lagu saari doonaa mudadaasi hannaanka shaqo ee goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa ay is-dhaafsan doonaan dooddo ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan waxana ay wadaagi doonaan waayo-aragnimadooda.

“7-sanno oo ay dhisan tahay Hirshabeelle waa shirkii ugu weynaa oo ay Dowladda Hirshabeelle u dhan tahay waana farxad weyn, waqtiga aad halkan joogtaan waxaad ogaan doonta halka uu hiigsigeena runta uu yahay.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabeelle ayaa furay shirka waxana uu ugu baaqay dhammaan ka qeyb galayaasha inay kala tagaan madasha aqoon ay deegaanadooda ku beddeli karaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor