Shirkii Madaxda DF iyo Maamul Goboleedyada ee Maanta furmay oo lasoo xiray

Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maanta ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho  ayaa galabta lasoo gaba-gabeeyay.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, dhammaan Madaxda maamulada iyo Duqa Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayay ajendayaasha Shirka Wadatashiga Qaranka oo maalmaha soo socda Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay ku yeelan doonaan Teendhada Afisyooni, kaasi oo looga arrinsan doono xalinta khilaafka doorashada.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Shirkii Maanta furmay uu shir guddoomiyay Madaxwweyne Farmaajo, isla markaana looga wada hadlay dardar gelinta iyo hirgelinta doorashooyinka qaranka oo ay aasaas u yihiin heshiisyadii 17kii September iyo 16kii Febraayo.

“Shirka oo maanta si weyn looga dooday ajandayaasha shirarka dambe ee Golaha Wadatashiga iyo dardar gelinka doorashooyinka wuu sii socon doonaa, waxaana la isugu soo laaban doonaa berri subax” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa markii u horeysay hor-fariistay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, kaddib saddex todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor