Maamulka Dowlad Deegaanka oo Amar cusub kusoo rogay Shacabka

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo saaray amar looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad siweyn ugu laba kacleeyay gudaha dowlad deegaanka.

Maamulka dowlad deegaanka ayaa ku amray dadka shacabka inay xirtaan afka (Face mask), isla markaana qof kasta looga baahan yahay inuu afka u xirnaado ilaa iyo Gurigiisa inta uu dib uga laabanayo.

Sidoo kale Maamulka ayaa shacabka ugu baaqay inay kala fogaadan, lana joojiyo isugu imaatinka, si looga hortego wax kasta oo keeni kara inuu faafo Cudurka halista ah ee COVID-19 oo siweyn ugu soo laba kacleeyay halkaas.

Waddooyinka waa wayn ee Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa la geeyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka, iyagoona dadka ku qasbaya inay afka xirtaan.

Si kastaba Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa la sheegay in kiisas badan oo ah Cudurka COVID-19 laga diiwaan-geliyay Magaalada Jigjiga iyo deegaano kale oo hoostega, sidoo kalena ay jiraan dad u dhintay Cudurka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor