Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis waxa uu galabnimadii maanta furay Shirkii 29-aad ee Madaxda dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa Khatarta Iiraan ee Deganaanshaha Mandiqadda.
Waxa uu ku eedeeyey Dowladda Iiraan inay mas’uul ka tahay deganaansho la’aanta ka jirta dalka Yemen, isla markaana ay taageeraan Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen, kuwaasi oo 116 Gantaal ku duqeeyey Sacuudiga.
Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Carabta ee ka hadlay Furitaanka Shirkaasi waxay ku baaqeen Midnimo iyo in taageero loo fidiyo Reer Falastiin.