Maamulka Somaliland iyo Madaxda Shirkadda Dekadaha ee Dubai DP World ayaa la sheegay inay magaalladda Dubai ku kala saxiixdeen Heshiis la xiriira Maamulka Dekedda magaalladda Berbera.
Mas’uuliyiinta Dekedda Dubai DP World ayaa sheegay inay ku guuleysteen Heshiiskaasi oo socon doona uddo 30 sanno kaasi oo ay la galeen Maamulka la magac baxay Somaliland ee sheegta inay ka go’een dalka Jamhuuriyadda Somalia.
Shirkadda Dubai DP World ayaa la sheegay inay 442 million oo Dollar ku maalgelin doonaan Horumarinta Dekedda Berbera.
Sidoo kale, Shirkadda DP World waxay 65% ku yeelanaysaa saamiga ka soo xeroonaya Mashruucaasi oo ay Maamulka Somaliland kula galeen Heshiiska lagu maamulayo Dekedda Berbera.
©Radio Dalsan