Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka oo maanta ka furmaya magaalada Baydhabo

Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka ayaa maanta oo Arbaca ah waxa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shirka waxa ku biiri doona wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ammaanka magaalada ayaa lagu soo waramayaa in aad loo adkeeyay,waxaana ammaanka sugaya ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan ayaa lagu waday inuu furmo 20 bishan balse 2 cisho ayaa dib loo dhigay kadib markii ay cabasho ka timid maamulka Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor