Al Shabab oo sheegatay masuuliyada dilkii Taliyaha Nabad Sugida gobolka Shabeelada Dhexe

Warbaahinta Al Shabab ayaa sheegeysa in War ka soo baxay xarakada Al Shabab lagu sheegay iney ka dambeeyen howlgal gaar ahaa oo ay sheegen in lagu dilay Taliyihii Nabad Sugida ee gobolka Shabeelada Dhexe Cabdiweli Ibraahim Jumbur iyo sido kalena lagu dhaawacay ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo Muuse Afweyne.

Idaacada Radio Andulus ee ku hadasha magaca Al Shabab oo warkan baahisay ma aysan bixin faahfaahin badan oo ku saabsan weerarka lagu dilay Taliyaha.

Dhinaca kale ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa weli wada baaritaano xoogan ka wada magaalada Jowhar iyada oo lagu raadinayo qaar kamid ah dadkii lala xiriiriyay kuwa ka dambeeyay dilka Taliyaha iyo dhaawaca ku xigeenkiisa.

Warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay xiren qaar kamid ah ilaaladii Taliyaha kuwaas oo weli baaritaan uu ku socdo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor