Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo looga hadlay dhowr Qodob

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Guddoomiyey shirka Gollaha Wasiiradda Maamulka oo Todobaadkan Warbixin looga dhagaystay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga, Gargaarka, Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Arimaha gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaag oo ka warbixiyey Xaalada Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegey in Amniga uu yahay mid wanaagsan Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay wadaan howlgalo lagu sugayo Amniga deeganada.

Wasiirka Caafimaadka Maxamed Cusmaan Xaaji Jiidow oo ay Wehliyaan Howlwadeenada Wasaarada ayaa Golaha Wasiirada usoo bandhigay Dadaalada ay ku bixinayaa gaarsiinta Bulshada Adeegyada Caafimaad ee ay ubaahanyihiin

Wasiirada Wasaaradaha Arimaha gudaha,Gargaarka,Waxbarashada iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa sidoo kale ka warbixiyey howlaha shaqo ee Wasaaraddaha iyo Waxyaabaha uqabsoomay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gollaha Wasiiradda uga mahadceliyey dadaalkooda ku aadan  sida ay uga go’antahay sidii si Cadaalad ah ay ugu adeegi lahayeen Shacabka ku nool guud ahaan deeganada Maamulka, waxaana uu Gollaha Wasiiradda ku bogaadiyey inay xooga saaran u gurmashada Dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor