Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta KGS oo Baydhaba ka furmaya iyo Ammaanka oo la adkeeyay

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda ee Mucaaradka ah.

Waxaa magaalada Baydhaba si weyn looga dareemayaa diyaar garowga ku aaddan Shirkaasi, waxaana halkaasi ku sugan siyaaasiyiinta labada dhinac ee Mucaaradka iyo Madaxda Maamulkaasi.

Shirkaasi ayaa la filayaa inay ka qayb galaan madax sare oo ka socota dawladda Federaalka ah oo ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Afhayeenka golaha shacabka Sh. Aadan Madoobee, iyo masuuliyiin kale.

Ammaanka guud ee Magaalada ayaa la adkeeyay,waxaana waddooyinka iyo aagga lagu qabanayo shirka la geeyay Cidamo aad u farabadan oo sugaya amniga Magaalada.

Ciidamada Dowladda, kuwa Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaa iska kaashanaya sugidda amaanka, iyadoo guryaha ay degayaan masuuliyiinta iyo xaafadaha kala duwan la geeyay Ciidankaasi.

Wasiirka aminiga maamulka Koofur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Xilgaar ah iska saareen ammaanka shirkaasi, waxaana shirkaasi ka qayb galaya Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor