Meydka Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo laga helay Hotel ku yaal Muqdisho

Meydka Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay laga dhex helay Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Meydka Saraalka ayaa laga helay Hotel lagu magacaabo Ridwaan oo ku yaalla Xaafad ka tirsan Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in Sarkaal la dilay.

Weli lama oga wax sababay dhimashada Saraalka oo magacaabiisa lagu soo gaabiyay Shariif, isla markaana kamid ahaa Ilaalada koofi casta ee Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Meydka Marxuum Shariif la geeyay Xarunta hay’addaha CID-da, waxaana socda baaritaano kala duwan oo ku aadan dilkiisa, sidoo kalena waxaa la sheegay in la xiray milkiilaha hotelka Ridwaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media