Shil Tareen oo lagu le’day oo ka dhacay Taiwan

Ugu yaraan 36 qof ayaa ku geeriyootay Tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Tareen saakayto ku qalibmay Bariga Jesiiradda Taiwan.

Wasaaradda Gaadiidka ee Jesiiradaasi waxay kaloo sheegeen inay ugu yaraan 72 qof ku dhaawacmeen Shilkaasi, kuwaasi oo la dhigay Isbitaallada.

Tareenka ayaa la sheegay inuu ku qalibmay Hul (A tunnel) ay Tareenada maraan, iyadoo wararku sheegayaan inay Tareenka la socdeen tiro badan oo Rakaab oo ka badnaa xadkii loogu tala-galay.

Baaritaan hordhac ayaa muujinaya in labo ilaa 3 Rimoorka Tareenka ay ka baxeen Khadka Tareenka, kadibna ay ku dhaceen Derbiga Hulka (smashed into the Tunnel wall).

Dhinaca kale, Maamulka Tareenada ee Taiwan (The Taiwan Railways Administration.) waxay sheegtay inay Tareenka qalibmay la socdeen 350 qof, kuwaasi oo ku sii jeeday Degmadda Taitung, si ay uga qeyb galaan Dabaaldeg maanta bilaaban doona, kaasi oo muddo isbuuc ah ka socon doona Jesiiradaasi.

Kumanaan qof ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Dabaaldegaasi oo loo yaqaano Qing Ming.

Si kastaba ha ahaatee, Shilkii Tareen ee ugu xumaa waxa uu ka dhacay Degmadda Yilan ee Bariga Taiwan sanadkii 2018-kii, iyadoo ay 18 qof ku geeriyootay.

©Ustaad Nuradin

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor