Puntalnd oo gacanta ku dhigtay rag lagu eedeyay dilka Sarkaal lagu dilay Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dabley habeen ka hor Magaalada Gaalkacyo ku dilay Sarkaal ka tirsan  Ciidanka dambi baarista Puntland, kaasi oo ay dileen koox Bistoolado ku hubeysan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Cabdi ladiif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ay gacanta ku dhigeen dableydii dilka ka dambeyay, kuwaasi oo uu sheegay in ay cadaaladda Mari doonaan.

Waxaa uu sheegay in isla markii falka dilka ahi uu dhacay ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah kooxdii dilka fulisay, taasina ay u fududeeysay in ay dabagal ku sameeyeen dableydii kale ee qaybta ka ahaa falka dilka ah ee ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Habeen ka hor ayay ahayd markii Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Cumar Maxamed Samatar oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dambi baarista Maamulkaasi Puntland, waxaana mas’uuliyadda dilkaasi sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor