Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana shilkaas uu yimid, kadib markii gaari nooca xamuulka qaada uu dul-maray Mooto Bajaaj ay dad saarnaayeen.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhintay shilka gaari, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay Idaacadda  Dalsan u sheegeen in qofka dhaawacmay uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loola cararay Isbitaal.

Gaariga dul-maray Mooto Bajaajta ayaa waxaa la tilmaamay inuu sidday qalab bira ah oo aad u culus, Gaariga ayaa waxaa lahaa Shirkadda Hormuud, kaasi oo ku socday xawaare sare, iyadoona darawalkii waday gaariga uu lugta la waayay bareega.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad shacab ah oo wadada maraya ama saaraan gaadiidka isticmaalaya waddooyinka laamiga ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor