Booliska dalkaasi waxay sheegeen inay 19 qof geeriyootay, 38 kalena dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay Degmadda Faskari ee Gobalka Katsinaee W/galbeed ee dalkaasi.
Taliyaha Boliska nabadgeliiyadda Waddooyinka ee Gobalkaasi, Godwin Nageku oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa sheegay in Bas ah oo noociisu ahaaMistsubishi oo ay la socdeen 57 qof oo rakaab ah uu ka baxay Waddada, iyadoo uu Dareewalka xakamayn kari waayey gaariga oo si xawli ku socday, kadibna waxa uu jiiray dad lugeynayey.
Taliyahaasi waxa kale oo uu xusay in dadka dhaawacmay la dhigay Isbitaalka Dowladda ee ku yaalla Gobalkaasi.
Shilalka dhimashadda leh waxay caadi ka yihiin dalka Nigeria, iyadoo ay inta badan u sabab tahay waddooyinka oo aad u burbursan, mas’uuliyad-darro dhinaca Dareewallada iyo gaadiidka oo si xad-dhaaf ah loo raro.