Shil sababay dhimashada laba Carruur ah oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyey laba Carruur ah ayaa geeriyootay laba kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii gaari uu ku jiiray Wadada kala qeybiso degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

Carruurta geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay ayaa gaariga oo Wadada ka baxay jiiray xilli saakay waaberigii ay kusii jeedeen Dugsi Qur’aan oo ay dhiganayeen,sida uu Dalsan u sheegay qof goobta ka dhawaa xilliga uu shilka dhacayey.

”Carruurta marshabiyoodiga ayay marayeen marka gaariga ayaa kusoo fariin goostay waa uuna dardaray,haa dugsi ayay u socdeen mid ayaa markii hore dhintay midkale oo dhaawac culus qabay ayaa kadaba dhintay laba kalena waa weli dhaawac,ciidamo ayaa yimid darawalkii gaariga waa la qabtay agagaarka Xaafada Unicefta Waaye ayuu yir qof goobjoog ka ahaa xilliga shilka uu dhacayey.

Inta badan gawaarida oo xowli ku socda iyo wadooyinka muqdisho oo inta badan la dhisay ayaa fududeeyey in muqdisho ay shilalka kusoo bataan,waxaana dhawaan gaari ciidan oo wadada ka baxay uu nin Oday ahaa ku dilay agagaarka laamiga Shaqaalaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor