Telefishinka Rasmiga ee Dowladda Iran ayaa sheegay inay 2 Duuliye ku geeriyoodeen Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa F 5, taasi oo Maanta ku burburtay magaalladda DASFOOL oo 444 KM dhanka Koonfureed kaga toosan caasimada dalkaasi ee Tehraan.
Diyaaradda ayaa waxaa la sheegay inay u burburtay cillad Farsamo oo soo wajahday, xilli ay Duullimaad ku jirtay.
Magacyada Duuliyayaasha geeriyooday ayaa waxaa lagu kala magacaabi jirey Kaynoosh Basaati iyo Xuseen NaamiI, kuwaasi oo aan la sheegin Darajadooda ciiddan.
Dhinaca kale, Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Iran waxay u badan yihiin kuwo Maraykanka laga soo iibiyey ka hor curashadii Kacaanka Islaamiga ee Iran ee sanadkii 1979-kii.
Ciiddanka Cirka Iran waxay kaloo ku hawlgalaan Diyaaraha Dagaalka ee Mig 19, Mig 21 iyo Sakhoi oo lagu farsameeyo dalka Raashiya.