Sheekh Shariif oo farriin u diray Dhallinyarada Soomaaliyeed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay Maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xuska Munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa ku sheegay in dhalinyarada ay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalka , isagoona dhalinyarada ku tilmaamay inay weli yihiin tiirka ay ku taagan tahay dowladnimada, uguna hambalyeeyay xuska 15-ka May.

Sidoo kale Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay siweyn uga dhex muuqdan Ciidanka Xoogga dalka, shaqaalaha rayidka ah iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed xuska munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL oo maanta ku beegan. Dhallinyaradu waxay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalkeenna, walina waa tiirka ay ku taagan tahay dowladnimadeenna, marka la eego sida ay uga muuqdaan Ciidanka Xoogga Dalka, shaqaalaha rayidka ah iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu Qoraalkiisa sii raaciyay “Maadaama ay bulshada maanta ka yihiin 75%, waxaan hubaa in dhallinyaradu ka mira dhalin karaan dibu dhiska dalkeenna”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor