Faransiiska oo mamnuucay Banaanbaxyada lagu taagerayo Falastiin

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in uu booiiska ka dalabaday in ay mamnuucaan dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la filayo in ay toddobaadkan ka dhacaan meelo ka mid ah Faransiiska.

Dibad-baxayaashan ayaa ka soo horjeeda duqaymaha ka socda dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan ee Qudus iyo Daanta Galbeed.

Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliiska ku amray in la joojiyo dibad-baxyadaas, hase yeeshe ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha Flastiin ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hadalka wasiirka.

Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israel ayaa ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen, Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu diley Qaza halka sideedna lagu diley Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor