Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo samaystay Isbahaysi ka dhan ah Xasan Sheekh Maxamuud

Murashixiinta Madaxweyne ee Sheekh Shariif  iyo  Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inay samaysteen Isbahaysi Siyaasadeed oo loo arki doono Labada Murashax ee ugu sarreeya ee uu midba midka kale ku taageerayo Codkiisa haddii ay Doorashaddu gaarto Wareegga Labaad, si ay uga hor tagaan Madaxweynaha haatan, Xasan Sheekh Maxamuud

Go’aankaasi ayaa yimid, kadib, Kulan ay qeyb ka ahaayeen 10-Murashax Madaxweyne oo kale.

Ilo-wareed ayaa u sheegay Radio Dalsan in la ansixiyey Heshiiskaasi oo dhigayo inuu Farmaajo noqonayo Ra’isul-wasaare, haddii uu Sheekh Shariif noqdo Madaxweyne.

Murashax Farmaajo waxaa taageerayo ku-dhawaad 40-Xildhibaan, halka Sheekh Shariif sheegay inuu haysto 70-Xildhibaan oo iyaga taabacsan.

Xeeldheerayaasha ayaa ku qiyaasay tirada Xildhibaanadda uu haysto Murashax Xasan Sheekh Maxamuud inay gaarayso 120-Murashax.

Isbahaysigan cusub ayaa yimid,  iyadoo ay wax ka yar 36-saacadood ka harsan tahay maalinta Arbacada oo ay dhici doonta Doorashadda Madaxweynaha.

.©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media