Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa goor dhow ka degay Garoonka diyaaraha degmada guricel ee Gobolka Galgaduud isaga oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyayG.
Soo dheeyn kadib ayaa waxa uu la hadlay weriyayaasha waxa uuna  sheegay in magacii Maamulka Gobolada Dhaxe laga guuray loona guuray magaca Galmudug si loogu shaqeyo loona fuliyay heshiiskii dhawaan Muqdisho lagu saxiixay.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in hadda howlo badan ay ka Bilaaban doonaan Caasimada Galmudug ee Magaalada Dhuusa Mareeb.
Hadalka Sheekh Shaakir oo ah madaxa Xukuumada Galmudug ayaa imaanaya xilli Dhawaan la xaliyay qilaafkii u dhaxeyay Madaxda Galmudug iyo maamulkii Gobolada Dhaxe ee hlusuna Wal-Jamaaca.