Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehlinayaan Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Booliska,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabada Xuska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Munaasabada ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Jeneraal Kaahiye, waxayna ciidamada Booliska soomaaliyeed soo bandhigeen dabaal dagyo ay ku muujinayeen ama ku weyneynayeen maalinta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Wasiiro, Xildhibaano ka kala socda Labada Aqal, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Masuuliyiin kale ayaa iyana Goobjoog ahaa Munaasabadda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay waqti adag soo bixiyeen isla markaana ku soo Shaqeeyeen duruufo adag oo u baahan in la xaliyo.
Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday Ciidamadii ku geeriyooday qarixii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarunta Jeneraal Kaahiye, oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwo maanta sahlay in munaasabadan ay sinadiif ah uga dhacdo halkaas,isla markaana dhiigooda u huray,sidoo kalena ay Ciidanka Booliiska ay mudo 74 Sano ah ku jireen dhibaatooyin uu dhiig ku daatay.
Dhamaan madaxii ka qeyb gashay munaasabada ayaa ku dheeraaday duruufaha heysta Ciidanka iyo sida looga gudbi karo,waxa ayna sheegeen in dowladda Soomaaliya waqti badan gelin doonto dhismaha ciidamada Qaranka.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska  Soomaaliyeed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.