Shariif Xassan “ Waxaa Diidan in Dadka Loo Gurmado Alshabaab”

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay arrimaha gurmadka Abaaraha ee deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana uu sheegay in dhibaatooyin dhinaca nolosha ay ka taaganyihiin deegaano ka mid ah maamulka.

Shariif Xassan, waxaa uu tilmaamay in Alshabaab ay diidanyihiin u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta ee ku nool Koon fur Galbeed, islamarkaana ay sababtay in dadku ay ka soo tagaan deeganada ay ku sugan yihiin Alshabaab, si ay u helaan gurmad.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa sheegay inay ku dadaali doonaan, sidii Alshaab looga saari lahaa deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media