Jubbaland oo Xaqiijisay in Saraakiil ka tirsan Alshabaab Lagu Dilay Jubbada Hoose

Saraakiisha ciidamada maamulka Juubbaland ayaa ka warbixiyey howlgal laga fuliyey gobolka Jubbada Hoose oo lagu dilay saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Taliyaha ciidamada Jubbaland ee Kudhaa gobolka Jubbada hoose ayaa warbaahinta u sheegay inay howlgal qorsheysan ku dileen Laba sarkaal oo ka tirsanaa Alshabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay howlgal mudo saacada ah qaatay ay ka sameeyeen degaanka Kudhaa.

“Howlgal ay ciidanka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubadda hoose, waxaa lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Al Shabaab”, sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidamada.

Dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u sheegay in dagaal xooggan uu ka dhacay Kudhaa,  oo ay ka qeyb qaateen ciidanka dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media