Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa la filayaa in goordhow uu ka hadlo arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaa arrimaha muranku ka taagan yahay ee doorashooyinka iyo khilaafka xooggan ee ka dhex-taagan dhinacyada isku haya doorashada.
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana lafilayaa in goordhaw uu la hadlo warbaahinta isagaa ka hadli doona xaaladda taagan ee dalka.
Warbaahinta ayaa lagu war galiyay in Shariif Sheikh Axmed uu saacadaha soo aaddan hadli doono, waxaana loo yeeri warbaahinta Madaxabannaan.