Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Galinsoor, waxaana halkaasi si weyn ugu soodhaweeyay Bulshada degmada.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku weheliya Madaxaweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaa soo dhaweynta Ra’isul wasaaraha iyo wafdigisa ka qayb qaatay Xildhibaano Ka tirsan Galmudug Iyo Shacabka Dagmada.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa usii gudbi doona Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo boqolaal shacab ah ay soodhaweyntiia ugu diyaar garooben.