Dalsan TV waxaa kabanaan shaqo “Video editor/Graphic Designer” ah, taas oo qofka doonaya looga baahanyahay shuruudaha hoos kuxusan.
Waqtiga xayaysiiska ku egyahay: Khamiis, 25 March 2021
Jagada laxayaysiinayo: Muuqaal Tifaftire iyo Naqshadeeye
Xarunta: Dalsan TV Mogadishu.
Goobta Shaqada: MOGADISHU
Waqtiga xayaysiiska lasameeyay iyo waqtiga uu ku egyahay 16 March 2021 – 25 March 2021
Shuruudaha Shaqsiga looga baahanyahay.
- Shahaado jaamacadeed ee laxiriirta shaqada laxayaysiiyay ama mid udhiganta.
- Ugu yaraan 2 sano oo ah naqshad muuqaal iyo khibrad tafatirka fiidiyowga ah
- Aqoonta qaab-dhismeedka, aasaaska garaafka,(Graphic Designer), tafatirka fiidiyowga iyo aqoonta ku shaqeynta website-ka.
- Kushaqeynta applications-ka lagu sameeyo muuqaalada sida, Adobe-ka qeybihiisa kala duwan, photoshop-ka iyo kushaqeynta Microsoft Word, Excel iyo PowerPoint.
- In uu leeyahay karti uu kusameen karo shaqada loo igmaday waliba mudada loo cayimay.
- In uu leeyahay xiriir wanaagsan ee dhankasta, waliba in uu xiriir calami ah sameen karo hadii loo baahdo.
- In uu awood uleeyahay daabacaadda iyo qaabeynta webka iyo lashaqeynta qeybaha kala duwan ee warbaahinta
- Dabeecad wanaag iyo lashaqeynta dabeecadaha kala duwan.
- In uu aqoon u leeyahay HTML.
Waqtiga Shaqada
08:00am-08:00pm, iyo sedex bilood oo heshiis ah.
Hadii shaqsiga shaqadiisa wanaagsanaato sanad heshiis oo ay lasocoto kordhin sanad kale ayaa jiri doonta
Halka aad codsigaaga kusoo dirayso
Fadlan kusoo hagaaji CV, “[email protected]” ciwaanka shaqadana waxaad ka dhigaysaa Muuqaal Tifaftire iyo Naqshadeeye, kuna soodar magacaaga iyo passport kaaga, ama aqoonsiga muwaadinimo.
FG: Waxaa lala soo xiriirdoonaa kaliya dadka lasoo xushay, si loogu yeero waraysi shaqada ah.