Wasaaradda Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegtay in Haweeney u shaqeysa Hay’ad Samafal shalay galab laga qafaashay Degmadda Gaaw ee Waqooyiga dalkaasi
Ilo Diplomaasi oo Faransiis ah ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay ka war hayaan Afduubkaasi, balse ay ku hawlan yihiin sidii lagu xaqiijin lahaa Afduubkaasi.
Idaacad Maxali ah oo ku taalla Degmadda Gaaw ayaa sheegtay inay Haweeneydaasi u shaqeynayey Hay’ad Samafal oo taageerta Carruurta la dhibaataysan Nafaqo-xumida iyo Fuuq-baxa.
Idaacadu waxay kaloo sheegtay inay koox rag ah afduubteen Haweeneydaasi, kuna kaxaysteen gaari nooca dusha ka furan ee Toyota Pickup.
Ma cadda Kooxda qafaalatay Haweeneydaasi, inkastoo la hadal-hayo inay goobahaasi ku xooggan yihiin Kooxda Islaamiga ee AQIM oo taabacsan Ururka Daacish.
©Radio Dalsan