Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hal maalin ay fasax yihiin Shaqaalaha Hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalaha Maalinta Khamiista oo taariikhu ku beegan tahay 20/August 2020 fasax yihiin, sababo la xiriira sanadka Cusub ee Hijiriyada.
Sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa dhammaan Umaadda Soomaaliyeed u rajeeysay in maalinta sanadka Cusub ee Hijiriyada 1442 H ku farxaan, maadaama uu Nabigeena Muxamed NNKHA uu ka hijrooday Magaalada Maka, una hijrooday Magaalada Madiina.
Hoos ka Akhrio Qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.