Soomaaliya ayaa maaanta siwen looga ciiday iyadoona maanta ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul fidriga,kadib markii xalay Bisha shawaal laga arkay meelo badan oo ku yaalla Gobolada dalka Soomaaliya.
Dad badan ayaa magaalada Muqdisho ku ogaay Salaada Ciidul fidriga, iyaddoona sidoo kale kale wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho lagu arkayey carruur badan Ciidaya.
Masaajidka Isbaheysiga ayaa waxaa ku soo tukaday dad badan, Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaana Salaada Masjidka dhankooda dad latukaday.
Mas’uuliyiinta dadka Shacabka ah latukaday waxaa kamid ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaaraha Xukuumadda, Qaar kamid ah Golaha Wasiiradda, Xildhibaano iyo masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa si weyn looga dabaaldagayaa Munaasabadda Ciidul fidriga,hayeeshee waxaa laga sooman yahay Maanta deegaano ku yaalla Gobolada dhexe ee dalka oo dadka halkaasi ku dhaqan ay u tahay 29-ka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Dhinaca kale Maanta ayaa waxaa laga Ciidayaa deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Federaalka.