Waxaa sii xoogaysanaya ololaha doorashada maamulka Galmudug oo Siyaasiyiin dhowr ah ay haatan sii caddeeyeen mowqifkooda Musharaxtinimada,taas oo muujinaysa hardan adag oo dhex mari doono musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, weji cusubna u yeeli doonto siyaasadda maamulkaas.
Shabakad Somali election oo ah shabakad ka faaloonta arrimaha doorashooyinka ayaa bilowday codeynta shacab oo ah hab Online ah Musharaxiinta ay u dooran lahaayeen Hoggaanka Galmudug.
Habkaan Onlin-ka ah ee shabakadda Somali election waxa ay uga gol leedahay in ay ku ogato rabitaanka shacabka reer Galmudug iyo qofka ay jeclaan lahaayeen in ay u doortaan Madaxweynaha metela iyaga kana shaqeeya danahooda si looga fogaado Musuq-maasuq iyo in Musharax aysan raali ka aheyn loo dooro.