Saxafiyad xog badan ka keentay Somali British ku biiray Kooxda Daacish

 Saxafiyad u dhalatay dalka Canada ayaa la sheegay inay ku guuleysatay in la bar aqoonsado Muuqaalka Nin Somali British ah oo ka tirsan Dagaalyahannadda Kooxda Daascish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Saxafiyadda oo u shaqeysa Telefishinka Canada’s Global News network ayaa la sheegay iyadoo xiran indha sharer wadata  ay khadka video calls on Skype kula xiriirtay Ninkaasi oo isticmaala magacaAbu Cantar, waxayna u sheegtay inay tahay gabar 15-jir oo doonaysa inay ku soo biirto Kooxda Daacish iyo inay isaga guursadaan.

Wada-sheekeysiga labadooda ku dhex maray Aalladda Skype ee ka midka ah Shabakadaha ay Bulshadda ku xiriiraan, ayaa waxay Sirdoonka Britain ugu suurto-gashay inay is-waafijiyaan Muuqaalka iyo Magaca Jihadistahaasi.

Telefishin ku yaalla dalka Canada ayaa laga baahiyey Warbixinta iyo Wada-sheekeysiga dhex maray Saxafiyadda iyo Jihadistaha Somali-Britishka, oo la sheegay inay muddo ku wada xiriii jireen Internetka.

Wargeyska  The Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London ayaa waxa uu maanta daabacay  in Ninka isku magacaaba Abu Cantar magaciisa rasmiga yahay Ahmed Cantar uu gabadha Saxafiyadda ku booriyey inuu nikaaxsado, si aysan marka ay u timaado Syria u guursanin Dagaalyahan kale.

Baaritaanka Wargeyska ayaa lagu ogaaday in Ahmed Cantar oo ku dhashay Somalia uu dalka Britain yimid isagoo 6 bilood jir ah, kuna koray Galbeedka magaalladda London.

Axmed Cantar inta uusan ka tegin Londdon, waxa uu ahaa Xisaabiye la noolaa hooyadiisa iyo afar qof oo ay walaalo yihiin.

Wargeyska waxa uu qoray inuu Axmed Cantar ku nool yahay Degmadda Raqa ee dalka Syria oo ay Dagaalamyaasha Dacaish ku xooggan yihiin.

Dhinaca kale, Axmed Cantar waxa uu Saxafiyadda  isaga dhigtay gabar 15-jir oo isaga jecel ayuu u sharxay qaabka ay ugu soo ambabixi karto Syria, wuxuuna u sheegay inay soo raacdo Duullimaad  ku sii jeeda Jarmalka, kadibna ay ka soo raacdo Diyaarad ku soo jeeda magaalladda Istanbuul ee dalka Turkiga.

Waxa uu u sheegay inuu ku sugi doono magaalladda Istanbuul, si uu ugu soo kaxeeyo gudaha dalka Syria, kadibna ay noqota Marwadiisa ku biirta Jihaadka.

Wargeyska The Daily Mail  waxa uu qoray inuu Abu Cantar ka dalbaday inay horey u soo qaadato lacag badan oo uu ugu iibiyo qori uu ku ilaaliyo.

“Gabadh kasta oo Daacish ka mid ah waxay haysata qori ama waxa uu u xiran xuunka is-qarxinta, waayo waxaad mar kasta yeelan kartaa caddow” ayuu Abu Cantar ku yiri wada-sheekeysiga la soo bandhigay.

Laakiin, arrinta sidaa ma noqonin, ilaa ay Saxafiyadda baahisay  Warbixinta ay ka diyaarisay Jihadistayaasha Daacish iyo qaabka ay ula xiriiraan Gabdhaha Jihaad-doonka.

Saxfiyadda ayaa la sheegay inay samaysatay Twitter cusub oo ay ku soo jiidatay Jihadistayaasha, waxaana muddo kooban cinwaankeeda ku soo darsaday Jihadistayaal badan oo uu Abu Cantar ka mid ahaa.

Wargeyska ayaa qoray inay la xiriireen Axmed Cantar, balse uu iska xiray cinwaankiisa  Skypee, kadibna ay kala xiriireen cinwaankiisa Aalladda Kik.

Wargeysku waxa uu sii qoray inay  Axmed Cantar weydiiyey sababta uu gabar 15 jir ugu khalkahaaliyey inay soo aado Syria, wuxuuse Wargeyska qoray in loogu jawaabay:- “ Yaa kaafir, waxaan jeclahay inaan mindida ka saaro cunaha….”

Dhinaca kale, Farriimaha la isku dhaafsaday Shabakadaha ay Bulshadda ku wada xiriiraan ayaa muujiyey in Axmed Cantar guursaday gabar kale oo Muslimad oo ku biirtay Daacish, waxayna u badan tahay gabadha uu guursaday inay u dhalatay dalka Tunisia.

Wiil la dhashay Axmed Cantar oo ku nool London ayaa sheegay inay Axmed Cantar is raaceen 28 dhallinyarro British ah sannadkii hore.

Sidoo kale, Familka Axmed Cantar waxay iska fogeeyeen waxa uu ku jiro wiilkooda iyo falalka Kooxda Daacish.

http://www.dailymail.co.uk/news/article-3094448/Filmed-Skype-chilling-exchange-reporter-posing-child-Islamic-State-fighter-London-told-pick-going-picking-wife.html

Xigasho:- Daily Mail

 Waxaa Turjumay: Hassan Ali Osman “Istiila”

Twitter @hassanistiila

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor