Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ay wehlinayaan madaxda waaxaha xariirka dibadda, Qorsheynta, Howlaha iyo lataliyaha sharciga ayaa maanta booqasho shaqo ku tagey xaruunta hay’adda Qaxootiga Qaranka.
Maareeyaha hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa agaasimaha kusoo dhoweeyey xaruunta hay’adda, waxayna soo kormeereen qeybaha iyo xaafiisyada xaruunta. Agaasimaha guud ee HSJ iyo ayaa saraakiisha la socotey ayaa kulan la qaatey maareeyaha iyo howl-wadeenadiisa kale, waxaana laga wadahadley qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabanaya iyo qaxootiga ajnabiga ah ee dalka jooga ama soo galaya.
Soomaaliya waxaa dib ugu soo gurya noqonaya muwaadiniin qaxooti ku ahaa caalamka, sidoo kale waxaa dalka ku sugan qaxooti isugu jira Yamaniyiin, Tanzanian, Ethiopian, Suuriyaan, iyo jinsiyado kale. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa ku heshiiyey hab-raaca diiwangelinta ajaanibta qaxootiga ku ah dalka, iyo sidoo kale hababka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.