Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.
Waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wafdigan Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,xubno ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bushada ku dhaqan Dhuusamareeb.
Madaxweynaha maamulka Axmed Ducaale Gelle xaaf ayaa madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdiga socday Aqalka sare,iyagoo kulamo la qaadan doono madaxda ugu sareeysa maamulka Galmudug.
Ujeedka maanta ay u gaareen wafdigan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay tahay sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug iyo khilaafka soo kala dhex galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda dalka ka jira,waxaana horey ay u gaareen wafdigan Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe.