Sawirro:-Xisbi uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Maanta la diiwaangeliyay

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Maanta waxa ay diiwaangeliyeen Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xisbigaan ayaa ka mid noqonaya in ka badan 35 Xisbi Siyaasadeed oo guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka ay si KMG ah Shahaadooyinka Xisbinimo guddoonsiiyeen.

Xisbigaan ayaa waxaa ku jiro,Xildhibaano iyo Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay Dowladihii dalka soo maray,waxaana Xisbigaan uu ka qeyb qaadan doonaan doorashada 2020 la filayo inay dalka ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor