Iyada oo daqiiqado yar ay ka harsantahay bilaabashada doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa hoolka ku sugan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka Somalia.
Xildhibaanadaan ayaa Kismaayo u tegay taageerada doorashada madaxtinimmo ee Jubbaland iyaga oo kulamo la qaatay intii ay ku sugnaayeen halkaas sidoo kalana taageero siyaasadeed u muujiyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Xubnaha xildhibaanadaan ayaa u badan kuwa mucaaradka ku ah siyaasadda xukuumadda Somalia waxaa kale oo iyana taageero u muujiyay Jubbaland qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ee Somalia.