Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen Xaruntooda Magalada Muqdisho,iyaga oo kaga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga Xarunta iyo sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka uu saameeyey fahataada Wabiga.
Kulanka Maanta ayaa ka duwanaa kulamadii hore waxana Xildhibaannada Aqalka Sare ay lacag dhan 50,000, Dollar ugu deeqeen dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga.
Kulanka Golaha oo uu shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Nukhaari ayaa Xildhibaannada Aqalka Sare waxa ay sheegeen in lacagtaas lagu caawin doono dadka ka barakacay fatahaada,iyada oo horay dowladda Soomaaliya iyo maamulada qaar ay lacag ugu deeqeen dadkaas.
Goordhow la socda codadka Kulanka Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.