Sawirro:-Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaasha Ciidamada oo gaarey Degmada Balcad

Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe  waxaa Maanta lagu soo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe)

Wafdiga Wasiirka ayaa waxa ka mid ah,Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod,Taliyaha Ciidanka Asluubta sareeyo guud Bashiir Maxamed Jaamac,Xubno ka socda Guddiga difaaca Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale.

Masuuliyin ka tirsan Maamulka degmada Balcad ayaa kusoo dhaweeyey wafdiga degmada,waxaana sidoo kale ay kulamo la qaateen masuuliyiinta degmada Balcad iyo Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmadaas.

Wafdiga ayaa waxa ay sidoo kale booqan doonaan Xarumaha ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degmada balcad iyo duleedkeeda,waxana ujeedka safarkooda lagu sheegay in uu bilaaban doono howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hoos Ka Daawo Sawirrada booqashada Wasiirka iyo Xubnaha la socda ee degmada Balcad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor